Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu Laftagareen kala hadlay Kristina Svensson & Peter Ellis?

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Nairobi kulan kula qaatay masuuliyiin ka tirsan bakiga adduunka

Madaxa ugu sareeya Bangiga Aduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson oo ay Wehliyaan Peter Ellis, Madaxa Mashaariicda Bariga iyo Koonfurta Africa iyo madaxa Mashruuca Nagaad Thalyta E. Yuwono (Nandya) ayaa ka mid ah masuuliyiinta uu laftagareen la kulmay.

Kulanka waxaa lagaga wada hadlay Dhamaan Mashaariicda ay Maalgeliyaan Bangiga Aduunka Dhinacyada Hormarinta Mashaariicda Socda Dhismaha Wadooyinka, Xarumaha Dowladda, Dib udejinta iyo Hirgelinta Mashaariic hore leh.

Kulanka waxaa Madaxweynaha kala Qeybgalay Wasiirka Gargaarka, Agaasimaha Madaxtooyada, Gudoomiyaha Degmada Baydhabo iyo isku Duwaha Mashruuca Nagaad.

Related posts

Haween iyo caruur ka tirsanaa hal qoys oo lagu laayey degaan hoos taga Sh/dhexe

Caydiid Ali

Duqeymo cirka ah oo mar kale ka dhacay Buuraha Calmiskaad

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo wareegto kasoo saaray soo jeedintii Odayaasha Dhaqanka Somaliland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---