Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Akhriso Magacyada :Guddiga Dib u Heshiisiinta Galmudug oo la magacaabay

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa magacaabay Guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo dhawaan la filayo in uu ka dhacdo magaalada Dhuuso Mareeb.

Guddiga la magacaabay ayaa isugu jira Siyaasiyiin iyo xubno kale oo aad ugu dhaw dowlada federaalka Soomaaliya, waxaana magacaabista guddigan lagu saleeyay habka awood qeybsiga beelaha dega deegaanada Galmudug.

Xubnaha Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug ayaa waxaa ku jira Wasiirkii hore ee arimaha Guddaha Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere)  iyo Wasiiru dowlihii hore ee Arimaha Dibadda Maxamed Nuur Gacal .

Guddigan ayaana ka shaqeenaya qaban qaabada iyo diyaarinta shirka dib u heshiisiinta ay isugu imaanayaan beelaha dega deegaanada Galmudug, waxaana shirka kadib la filayaa in la qabto doorashada maamulka Galmudug.

Halkan ka Akhriso Magacyada Guddiga la magacaabay

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharaxiinta kuraas berri lagu dooranayo Dhuusamareeb oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Maxkamadda sare ee Britain oo go’aan ka gaareysa, siyaasad Muran badan dhalisay

Cabdi Cade

Madaxweynaha Galmudug oo ku qasbanaaday in uu maanta aado Dhuusomareeb

Cabdi Cade
Taboola Ads ---