Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Danjiraha cusub ee Somalia u fadhin doona Maraykanka oo la magacaabay

Dowlada Somalia ayaa magacowday danjiraha cusub ee u fadhin doona Magaalada Washington ee dalka Maraykanka, iyadoo xilkan uu muddo sanad ah iska bannaanaa.

Xilkan oo uu sanad ka hor banneeyay Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya Axmed Ciise cawad ayaa waxaa hadda loo magacaabay danjire Cali Shariif Axmed.

Safiirka cusub ayaa horay u soo noqday danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalalka Itoobiya iyo France.

Maalmaha soo aaddan ayuu danjire Cali shariif gaari doonaa dalka Mareykanka si uu u buuxiyo kaalinta danjirinimo ee Soomaaliya, isagoo warqadihiisa danjirenimo ku wareejin doona Madaxweynaha Maraykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Labo Nin oo Sannado badan u xirnaa dilkii halyey Malcom X oo Lacag Magdhaw ah la siinayo

Cabdi Cade

Koox Afduubatay Muwaadiin Mareykan ah oo dalbaday Malaayiin Dollar

Cabdi Cade

Cudurka Coronavirus oo khilaaf culus ka dhex abuuray labo dal oo deris ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---