Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Koox Afduubatay Muwaadiin Mareykan ah oo dalbaday Malaayiin Dollar

Koox burcad hubeesan oo ka howlgasha dalka Haiti ayaa lacag Malaayiin dollar ah ka dalbaday dowlada Mareykanka si ay usii daayaan Wadaado masiixiyiin ah oo u dhashay dalkaasi oo ay afduub ahaan u heestaan.

Burcadan hubeesan ayaana dhawaan wadadaan masiixiyiinta ah ka afduubtay caasimada dalka Haiti ee Port-au-Prince , waxa ayna kooxdan dalbadeen si ay usii daayaan muwaadiniintan Mareykanka lacag gaareysa 17 milyan oo dollar.

Wasiirka Caddaaladda Haiti, Liszt Quitel ayaa sheegay, in ay socdaan wadahallo ay saraakiisha dowladda la leeyihiin kooxda burcadda ah ee  afduubatay 17-ka wadaad ee faafinayay diinta masiixiga.

Waxa uu sheegay Wasiirka in kooxdan burcadda hubeesan oo isku magacawday 400 Mawozo ay dalbadeen lacag malaayiin dollar , waxa uuna xusay in qofkiiba madaxiisa ku rabaan hal milyan oo dollar.

Dowlada Mareykanka ayaan wali ka hadlin dalabkan kasoo yeeray kooxda burcada hubeesan ee afduubka u heesta muwaadiniinta u dhashay Mareykanka ee Haiti u tagay faafinta diinta Masiixiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Doorashadii Jarmalka oo lagu kala baxay & natiijo lama filaan ah oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Madaxweyne caan ah oo kasoo horjeestay in si deg deg ah loogu hambalyeeyo Joe Biden 

admin

Wararkii Ugu Dambeeyay dagaalka ka socda Guriceel iyo sida hada xaalku yahay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---