Congresska Maraykanka oo si kulul uga hadlay hadaladii cunsuriyada ahaa ee Trump

Afar ka tirsan xubnaha xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Hoose ee congresska Maraykanka ayaa Talaadadii shalay la codeeyey dhammaan xubnaha Dimoqraadiga, iyaga oo meel mariyey sharci cambaareynaya hadaladii, sida lagu sheegay, cunsuriyadda ku saleysnaa ee madaxweynaha Trump uu ku yiri dumar aan caddaan ahayn oo ka tirsan Congresska.

Qaraarka Aqalka Hoose oo 240 xubnood ay “Haa” u codeeyeen, 187 ay ka soo horjeedsadeen ayaa si adag u cambaareeyey hadaladda cunsuriyaddu ku jirto, hadaladaas oo sharciyeeyey, sarena u qaaday cabsida iyo naceybka loo hayo dadka Maraykanka ah ee cusub iyo dadka midabka leh.

Afhayeenka Aqalka Hoose Nancy Pelosi ayaa ugu yeedhay Aqalka inuu u midoobo, sida ay hadalka u dhigtay, cambaareynta fariimaha twitterka ee cunsuriyadda ku saleysan ee madaxweynaha.

Madaxweyne Trump Axadii ku weeraray bartiisa twitter-ka afar mudane oo xisbiga dimoqraadiga kasoo gala Koongareeska. Wuxuu dhamaantood u sheegay inay dib ugu laabtaan waddanada ay asal ahaan kasoo jeedaan, si ay u xalliyaan mushkiladaha dhinacyada maamulka, iyo danbiyada ee u sheegay in ay ka jiraan.

Mudanayaashan ayaa kala ah, Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib iyo Ayanna Pressley oo dhamaantood ku dhashay Mareykanka, iyo Ilhan Omar timid dalkaan iyada oo yar.

Hadalka Trump ayaa waxaa sidoo kale horrey u cambaareeyay siyaasiyiinta xisbiga dimoqraadiga oo ku tilmaamay mid ay ka buuxdo cunsuriyad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -