Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in uu Diyaarinayo Ciidamo uu dalka ku qabsado !!

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada Mucaaradka ku ah dowlada Federaalka ayaa ka dhawaajiyay hadal dad badan ka yaabiyay uu ku weerarayay Madaxweynaha Soomaaliya .

Fiqi ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu wax ka ogyahay khilaafka iyo xiisada ka dhax aloosan Baarlamaanka, waxa uuna xusay in Madaxweynaha uu xigsaday Xukuumada uu tilmaamy in mooshinka soo abaabushay.

Xildhibaan Axmed Fiqi ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu aaminsan yahay in dalkaan uu ku maamulo xoog, iyo afganbi ,waxa uuna tilmaamay in Madaxweynaha Wasaarada Gaashaandhiga ku diyaarinayo ciidamo uu doonayo in dalka uu ku qabsado.

“Farmaajo wuxuu aaminsan yahay xoog, inqilaab, ilaa khilaafkaan jiray Hal bil wasaaradda gaashaandhigga ayuu ku sugan yahay, ciidamo uu diyaarinayana waa kuwo uu rabo in dalkaan xoog ku qabsado” Ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Xildhibaan Axmed Fiqi ayaa caado ka dhigtay dhaleeceynta Madaxda dalka gaar ahaan Madaxweynaha, waxa uuna horey Madaxweynaha ugu eedeeyay in dalka dib ugu celinayo colaadii 1991-dii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -