Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Fiqi oo shir muhiim ah uga qeyb galay dalka Uganda

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qayb galay shir heer wasiir ah oo ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda wadanka Uganda.

Shirka ayaa loogu diyaar garoobayaa shir-madaxeedka Midowga Afrika oo lagu wado in uu dhawaan ka dhaco magaalada Kampala.

Wasiirka waxaa shirka ku wehlinayay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Xaadow iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare.

Inta uu socday shirka waxaa diiradda lagu saaray istiraatiijiyadda horumarinta beeraha dalalka Afrika tobanka sano ee soo socda (2026–2035).

Wasiirradii ka qayb galay shirka ayaa isku raacay in xoogga la saaro tacbashada iyo kor u qaadista wax soo saarka beeraha si loo xoojiyo isku-filnaanta dalalka Afrika.

 

Related posts

Mukhtaar Roobow: “Qarash bixiyaha iyo qarax wadaha waa isku mid” (Akhriso Bayaan)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo shir ku casuumay shanta dowlad goboleed & G/Banaadir

Caydiid Ali

Shaqo joojin lagu sameeyay Maareeyihii Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Somalia

Cabdi Cade
Taboola Ads ---