Keyd Hub ay lahaayeen Al Shabaab oo la helay iyo booliiska oo faah faahiiyay (Daawo Sawirada)

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa shaaciyay in ciidamada amaanka gacanta ku dhigeen keyd hub ay Al Shabaab ku lahaayeen deegaanka Ceelasha biyaha ee kuyaala duleedka magaalada Muqdisho.

Taliye Ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Generaal Zakia Huseen ayaa sheegtay in deegaanka Ceelasha biyaha laga helay god weyn oo Al Shabaab ugu keydsanaa hub kala duwan iyo Waxyaabaha qarxa.

Waxa ay sheegtay Zakiya in keydkan hubka uu yahay kii ugu weynaa ee Al Shabaab ku lahaayeen Muqdisho iyo duleedkeeda, waxa ayna xustay in hubkan iyo waxyaabaha qarxa la doonayay in shacabka Soomaaliyeed lagu dhibaateeyo.

Taliska booliiska ayaa u mahad celiyay Shacabka Soomaaliyeed ay sheegeen in booliiska xog ka siiyeen helida xogta hubkan la duugay iyo sidoo kale xogo kale oo lagu soo qabtay xubno katirsan Al Shabaab.

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa howlgalo xoogan oo lagu xaqiijinayo amaanka kawada magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, waxa ayna ciidamada wadaan dadaalo ay ku doonayaan in ay ku xasiliyaan amaanka Caasimada Muqdisho.

- Advertisement -