War Deg Deg Ah: Gudoomiye Jawaari oo goordhaw Warbaahinta Shir Jaraa’id u qabtay

Gudoomiyaha Mooshinku ka yaalo ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaw shir jaraa’id ku qabtay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, waxa uuna ka hadlay kulankii Baralamaanka ee maanta la baajiyay.

Jawaari ayaa sheegay in xalay la kulmeen isaga iyo labadiisa kuxigeen Madaxweynaha Soomaaliya kana wada hadleyn sidii xal looga gaari lahaa xiisada ka dhax aloosan Baarlamaanka.

Waxa uu sheegay Jawaari in Madaxweynaha Soomaaliya isaga iyo kuxigeenadiisa ka codsaday in la baajiyo kulanka Baarlamaanka maadaama ay jirto kala aragti duwanaasho wax walbana ay dhici karaan.

Gudoomiyaha Baralamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in la dhameyn doono khilaafka ka dhax jira hogaanka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka, waxa uuna ku baaqay in xaalada la dejiyo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay kulan deg deg ah la qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa kuxigeen, waxa uuna kala hadlay joojinta kulankii maanta la filayay in ay yeeshaan Baarlamaanka si looga fogaado in ay foodo dhacdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -