Abiy Axmed oo si adag uga hadlay Masaajidii lagu gubay Gobolka Amxaarada

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa si kulul u cambaareeyay weerarki lagu gubay sadex masjid ay leeyihiin Muslimiinta oo kuyaalay magaalada Motta ee ismaamulka Amxaarada Itoobiya.

Abiy Axmed ayaa sheegay in kooxo xagjir ah oo kasoo horjeeda wada noolaanshaha diimeed in ay ka dambeeyeen falkii lagu gubay masaajida, waxa uuna sheegay in dadkaasi doonayaan in ay meesha ka saaraan taariikhda wada noolaanshaha diimeed ee Itoobiya.

“Dalka Itoobiya ee waddada horumarka cagta saaray oo dhaqanka u lahaa dadyoowga diimaha kala duwan aaminsan iney si istixtiraam leh ay uga wada noolaayeen ay jiraan kooxa xagjir ah oo doonaya dhaqankaaasi soo jireenka ahaa iney burburiyaan.” ayuu yiri Abiy Axmed.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa ugu baaqay dadka Itoobiya in ay muujiyaan isku duubni iyo wada noolaansho kana soo horjeestaan dadka doonaya in ay iska horkeenaan bulshada kala diimaha ee nabada kuwada nool.

Hadalka Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa imaanaya kadib markii kooxo xagjiriin ah ay weerareen Masaajid kuyaala magaalada Motta ee ismaamulka Amxaarada halkaasna ku gubeen sadex masjid sidoo kale ku boobeen hanti ay dad muslimiin ah lahaayeen.

- Advertisement -