Qarax miino oo goordhaw ka dhacay magaalada Dhuuso Mareeb

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi ka dhacay qarax miino oo dhaliyay khasaaro kala duwan.

Sida aan wararka ku heleyno qaraxa ayaa ka dhacay maqaaar yar oo  shaaha laga cabo oo ku dhaw xarunta Inji uu ku shaqeeyo maamulka Galmudug.

Wali lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxn  goordhaw ka dhacay magaalada Dhuuso Mareeb, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo badan oo ku amaanka ah.

Magaalada Dhuuso Mareeb uu qaraxu ka dhacay waxaa ku sugan Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya iyo xubno katirsan labada golle ee dowlada kuwaa oo halkaas u tagay dhismaha maamulka Galmudug.

Waxii warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -