Dadkii Damaashaadka u aadi jiray Xeebta Jaziira oo yaraaday iyo hal Sabab oo keentay

Xeebta Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa aheyd mid dalxiis iyo damaashaad loo aado maalinta jimcaha iyo sidoo kale maalmaha kale ee caadiga ah, waxaana halkaasi tagi jiray boqolaal qof oo u badnaa dhalinyaro.

Dalxiiska loo aado xeebta Jaziira ayaa aheyd mid ay aad u jeclaayeen dhalinyarada magaalada Muqdisho , waxa ayna inta badan xeebtaasi kusoo qaadan aadaan jireen waqti fiican iyo nasiino .

Hada waxaa aad u yaraaday dhalinyaradii dalxiiska iyo damaashaadka u aadi jiray xeebta Jaziira, waxaana arintaasi sabab u noqotay ciidamada dowlada oo adkeeyay in dadka Jaziira aada ay si fudud ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho ay ka baxeen markii hore

Dadka aada Jaziira ayaa inta badan qaata gaadiidka nuuca raaxada ah maadaama ay aad u fogtahay, waxaana ciidamada jooga Koontarool laga soo galo Muqdisho dadka iyo gaadiidka ku xirayaan shuruud adag si ay magaalada usoo galaan.

Ciidamada ayaana saacado badan celiya dadka shacabka ah ee xeebta kasoo laabanaya, waxa ayna shuruud uga dhigaan in ay wacdaan sargaal katirsan booliiska oo damiin ka noqda ama ay halkooda iska joogaan.

”Jaziira waqti fiican kusoo qaadanay laakin waan ka shaleynay aadisteenii Xeebta, ciidamada ayaa noo diiday in koontaroolka soo dhaafno waxa ayna nagu xireen in aan helno sargaal na damiinta, xitaa waxaan naga diideen ID-car aqoonsi dowladeed oon wadanay, saacado badan ay nagu qaadatay anaga iyo dad kalaba in jidka iska joogno maadaama aan sargaal weynay” ayuu yiri mid kamid ah dhalinarada Muqdisho.

Dadkii aadi jiray xeebta Jaziira ayaana sii yaraanaya maalinbo maalinta ka dambeysa kadib markii ay dhibaato badan kala kulmayaan in ay kusoo laabtaan magaalada Muqdisho oo marka hore si fudud looga bixi karo.

Waxa ayna dhalinyarada xeebta Jaziira damaashaadka u aada ka codsadeen dowlada in aan lagu adkeyn in ay soo galaan magaalada, iyagoona dalbaday in gaadiidka xeebta kusoo laabanaya lagu sameeyo baaritaan balse aan lagu xirin damiin sargaal aysan aqoon.

Arintan ayaana saameyn badan ku yeelatay dalxiiskii loo aadi jiray xeebta Jaziira, waxaana hadii culeeskan sii jira suurto gal noqoneysa in dadka shacabka ah iska dhaafaan aadiska xeebta Jaziira maadaama ay silac noqotay sidii looga soo noqon lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -