Wararkii ugu dambeeyay Dagaal ka qarxay Baydhabo kadib xarigii Abuu Mansuur

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa  ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamo dowlada dhawaan geysay magaaladaasi iyo ciidamo kale oo taabacsan Musharax Abuu Mansuur.

Ciidamo taabacsan Abuu Mansuur ayaa la sheegay in weerar ku qaadeen xarunta Madaxtooyada Baydhabo kadib markii ciidamada Itoobiya xireen Musharaxa, waxaana ciidankan dagaal kala hor yimid ciidamada booliiska ee dowlada dhawaan Geysay Baydhabo iyo Ciidamada Itoobiya.

Rasaas ayaa wali laga maqlayaa qeybo kamid ah magaalada Baydhabo gaar ahaan aaga Madaxtooyada , waxaana magaalada ka jirta xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay Xariga Abuu Mansuur iyo dagaalka.

Daqiiqado kahor ayaa sidoo kale la jaray isgaarsiinta magaalada Baydhabo, waxaana aad u adag in la helo xogo badan oo ku saabsan dagaalka ka socda magaalada Baydhabo iyo khasaaraha ka dhashay.

Dad aad ugu dhaw dhaw Abuu Mansuur ayaa daqiiqado kahor baraha bulshada soo dhigayay in Mukhaar Roobow Abuu Mansuur si xun loo jir dilay kahor inta aan la xirin, waxa ay sidoo kale dadkan sheegeen in dagaal xoogan uu socdo.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -