Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii ka dhacay magaalada Dhuuso Mareeb

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo maanta lagu aasay maqaayar yar oo shaaha laga cabo ah oo kutaala magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa miino ayaa ka dhacay maqaayada lagu shaaho oo kutaala kaoo horjeedka xarunta Inji uu ku shaqeeyo Madaxa Xukuumada maamulka Galmudug Sheekh Shaakir.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay askari katiranaa ciidamada Galmudug, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ilaa shan qof oo ay ku jiraan haweeneydii maqaayada laheyd iyo caruur ay dhashay.

Saraakiil iyo ciidamo katirsan dowlada federaalka iyo maamulka Galmudug ayaa soo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna saraakiisha laamaha amaanka wadaan baaritaano ku aadan qaraxan.

Xaalada magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa hada ah mid dagan, mana jiro saameyn badan uu magaaladaasi ku yeeshay qaraxa miino ee goordhaw ka dhacay.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo xubno katirsan labada Golle ee Baarlamaanka federaalka ayaa ku sugan magaalada Dhuuso Mareeb, waxaana si weyn loo adkeeyay xarumaha ay joogaan madaxda dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wariye iyo labo Sargaal oo katirsan Al Shabaab oo Xukuno adag lagu riday (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dhakhaatiir Ajaanib Ah Oo Dhawaan Qaliino Caafimaad Ka Bilaabaya Isbitaalka Kalkaal Ee Muqdisho

Cabdi Cade

Wasiir si farxad leh uga hadlay Dilka Hoggaamiyihii Ururka Xamaas

Cabdi Cade
Taboola Ads ---