Xubnihii Kismaayo u tegay caleemo saarka Axmed Madoobe oo la geeyey Goobweyn (Sawirro)

Waxaa Maanta degaanka Goobweyn ee Gobolka Jubbada Hoose marti qaad loogu sameeyay xubnihii dhowaan gaaray magaalada Kismaayo si ay uga qaybgalaan Munaasabada Caleemo saarka Axmed Madoobe.

Xubnahan oo ka kooban Madaxweynayaashii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuled iyo Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sidoo kale booqday halka ay iskaga darmadaan Wabiga Jubba iyo Badweynta Hindiya.

Waxaa booqashadooda ku wehliyey Madaxweyne ku-xigeenada Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo C/qaadir Lugadheere, iyadoo Axmed Madoobe uusan ka soo qeyb gelin munaasabadaas.

Dayuuradii xubnahan geysay Kismaayo oo la filayey iney wufuud kale geyso magaaladaas ayaa weli ku xaniban halkaas ka dib markii doowlada Somalia ay dacwad u gudbisay heyadda duulimaadyada caalamiga ah ee ICAO taasoo ka dhan ah dowlada Kenya oo loo heysto iney dayuuradaas fasax la’aan u ugolaatay iney soo gasho hawada Somalia.

Xubnahan gaaray Kismaayo ayaa hadda u muuqda kuwo halkaas ku xaniban oo Kismaayo aan melena uga bixi Karin, iyadoo maamulka Jubbaland uu dedaal kasta ku bixiyey inuu fashiyo xanibaada DF inkastoo aysan wax natiijo ah ka gaarin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -