Ciidamada Dowlada oo dagaal kula wareegay deegaano Al Shabaab maamulayeen

Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa howlgalo ka fuliyay deeegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose ay maamulayeen Al Shabaab, waxaana howlgalkaasi intii uu socday ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Taliyaha Ururka 35aad Guutada 7aad qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka kornayl Maxamed Cabdullaahi Caraalle ayaa warbaahinta dowlada u sheegay in ay la wareegeen deegaanada Leego, Yaqbirweyne, Madax maroodi iyo deegaano kale.

Waxa uu sheegay taliyaha intii uu socday howlgalka ay Al Shabaab uga saarayeen deegaanadan in ay ku dileen ku dhawaad 15-dagaalyahan sidoo kale ku gubeen gaadiid ay wateen dagaalyahanada Al Shabaab.

Kornayl Maxamed Cabdullaahi Caraalle ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgalada Al Shabaab uga saarayaan deegaanada ay wali maamulaan, waxa uuna cadeeyay in ciidamada wali ku jiraan howlgalo Al Shabaab looga saarayo goobo badan.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa marar badan la wareegay deegaano katirsan gobolada dalka ay maamulayeen Al Shabaab, hasa ahaatee ciidamada dowlada ayaan inta badan ku nagaan deegaanada ay Al Shabaab kala wareegaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -