(Sawiro) Munaasabad baroordiiq ah oo loo sameeyey Marxuum Max’ed Qanyare oo lagu kala qabtay London & Amsterdam

Waxgarad kala duwan oo ay ku jiraan siyaasiyiin, aqoonyahanno, madax ka tirsan jaaliyadaha Soomaalida iyo shaqsiyaad magac ku leh qeybaha bulshada ayaa xalay munaasabad baroordiiq iyo duco ah ku kala sameeyeen  Magaalooyinka London iyo  Amsterdam ee Dalalka Ingriiska iyo Nederlands AUN Maxamed Khanyare Afrax oo 28ka bishii hore ku geeriyooday Muqdisho.

Kulanka 1 aad :- Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska ayaa munaasabad duco iyo baroor diiq ah waxa ay u sameeyeen Allaha u naxariistee Maxamed Qanyare Afrax oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Munaasabada baroor diiqda ah ee loo sameenayay Marxuum Maxamed Qanyare waxaa kasoo qeyb galay siyaasiyiin, aqoonyahano, waxgarad , haween iyo qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London .

Dadkii kala duwanaa ee munaasabada baroor diiqda ah ka hadlay ayaa ku dheeraaday taariikhda Marxuum Maxamed Qanyare, waxa ayna sheegeen in uu ahaa siyaasi wadani ah oo jeclaa dalkiisa iyo dadkiisa . Ugu Dmabeyn jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London ayaa u duceeyay Marxuumka, waxa ayna ilaah uga baryeen in janadii fardowso ka waraabiyo, iyagoona sidoo kale tacsi u diray eheladii iyo dadkii uu ka baxay Qanyare.

Kulanka 2 aad :- Waxgarad kala duwan oo ay ku jiraan siyaasiyiin, aqoonyahanno, madax ka tirsan jaaliyadaha Soomaalida iyo shaqsiyaad magac ku leh qeybaha bulshada ayaa shalay munaasabad baroordiiq iyo duco ah ugu sameeyey Magaalada Amsterdam ee waddanka Nederlands AUN Maxamed Khanyare Afrax oo 28ka bishii hore ku geeriyooday Muqdisho.

“ALLAHA u naxariisto Marxuum Max’ed Qanyare wuxuu ka mid ahaa mas’uuliyiintii fara-ku tiriska aheyd ee dalka soo maray ee si aan leexleexad laheyn kaga soo horjeeday faragelinta shisheeye iyo in Soomaali masiirkeeda loo gacan dhaafo, waxaan u tacsiyeynayaa qoyskiisa” Ayuu yiri C/weli Ibraahim [Garyarre] oo ka tirsan madaxda xisbiga Wadajir, kana mid ahaa mas’uuliyiintii kulankaasi ka hadashay.
Guddoomiyaha dalladda guud ee ay ku mideysan yihiin ururada Soomaalida ee magaceeda loo soo gaabiyo [FSAN] Dr. Cali Waare iyo C/qaadir Cali [Nuune] oo madax ka ah Jaaliyada Soomaalida Zwolle iyo Magaalooyinka u dhowdhow, ayaa ka mid ahaa dadkii munaasabadaasi ka hadlay, waxaanna ay 2da mudane geerida marxuumka kaga tacsiyeeyeen qoyska iyo xigaalada marxuumka, iyaga oo marxuumka na ALLE uga baryeen dambi dhaaf iyo janno.

Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow [Dhegdheer] oo ka tirsan aqalka odayaasha ee Senete-ka, muddooyinkanna howlo shaqo u joogay dalka Nederlands, ayaa si kooban kaga hadlay shaqsiyadii marxuumka, isaga oo ku sifeeyey inuu ahaa oday Soomaaliyeed oo ay ku weyn yahay qaranimada dalka, dadkiisa iyo dalkiisana aad u jecel.

“Dadka aan horay u aqaan AUN Marxuumka waxaa suurtagal ah ineey sawir kale ka haysteen, laakiin wuxuu ahaa shaqsi wax walba kaga tanaasuli jiray in ay Soomaaliya dowlad noqoto, wuxuu ahaa oday Soomaalinimadu ku weyn tahay oo weliba aan la gamban aragtidiisa siyaasiga ah, wuxuu ahaa siyaasi marka ay joogto in dalka la badbaadiyo wax kasta ka tanaasula, waxaan xasuustaa intii lagu jiray shirkii dib u heshiisiinta ee ka lagu soo dhisay dowladdii uu madaxda ka ahaa AUN Cabdullaahi Yuusuf marxuum Qanyare wuxuu ahaa siyaasiga keliya ee mar walba ee uu khilaaf dhaco lagu soo hirto, ilaa uu gaaro inaan madasha laga kicin iyada oo aan la isku afgaran waxa la isku haysto” Ayuu yiri Senetor Cabdi Axmed Dhuxulow, isaga oo ka codsaday dadkii munaasabada ka soo qeybgalay in loo duceeyo, ALLE na dambi dhaaf loo weydiiyo.

Max’ed Cabdi Yuusuf oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka, marna soo noqday R/wasaare ayaa odayaashii munaasabada ka hadlay ka mid ahaa, wuxuuna u diray qoyska marxuumka dhambaal tacsi ah; Sidoo kale Guddoomiyaha ururka Himilo Cali Istiila ayaa isaga oo ku hadlayey magaca Galmudug wuxuu tacsi ballaaran u diray qoyska iyo ehelada marxuumka.

Munaasabadan oo aheyd mid ku koobban baroordiiq iyo duco, ayaa ku soo idlaatay si qurux badan, waxaanna dadka ka soo qeybgalay ay si wadajir ah ugu akhriyeen marxuumka faatixadda iyo ikhlaaska, iyada oo ugu dambeyntiina loo mahadceliyey dadkii soo qabanqaabiyey.

Sawirada UK :-

Sawirada Amsterdam :-


- Advertisement -