Dal Carbeed oo haweenka u fasaxay in ay guursan karaan raga aan Muslimka aheyn

Dalka Tunisiya ayaa isbadal ku sameeyay xeer sanado badan dalkaasi u yaalay oo ka hor imaanayay in haweenka Muslimka ah ee dalkaasi u dhashay  ay guursadaan raga aan muslimka aheyn.

Afhayeen u hadashay Madaxweynaha dalka Tunuusiya  Beji Caid Essebsi ayaa ku dhawaaqday in wax laga badelay xeerkii guurka ee dalkaasi, waxa ayna sheegtay in haweenka xor u yihiin guurka qofkii ay rabaan.

Haweeneyda Afhayeenka ayaa haweenka dalka Tunuusiya ugu hambalyeesay in wax laga badelay xeerkii guurka, waxa ayna sheegtay in haweeney kasta ay xaq u leedahay in ay guursato ninkii dookheeda ah.

Dalka Tunisiya ayaa horey waxaa mamnuuc uga ahaa in haweeneyda Muslinka ah ay guursato nin aan muslim aheyn, waxaana lagu qasbi jiray ninkii gaal ah ee doonaya in uu guursado gabar Muslim ah in uu soo islaamo uuna la yimaado shahaado cadeyn ah.

Sharcigii horey uga jiray dalka Tunuusiya ee dhinaca guurka ayaa hada meesha laga saaray, waxaana Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Beji Caid Essebsi, wax ka badeshay xeerkii dhinaca guurka ah.

Madaxweynaha dalka Tunuusiya ayaa isbadalo badan ku sameeyay xeerar iyo sharciyo dalkaasi horey uga jiray, waxa uu sidoo kale Madaxweynaha dhawaan Haweenka Muslimiinta ah ka mamnuucay in ay Indho shareer ku qaataan xafiisyada dowlada.

Dalka Tunisiya oo ah dal Carbeed kuna yaala Qaarada Afrika ayaa 99% dadka kunool waxa ay yihiin Muslimiin ah, waxaana dad badan ay dhaliilsan yihiin isbadalada Madaxweynaha dalkaasi hirgalinayo oo qaarkood ka hor imaanayaan shareecada Islaamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -