(Sawirro) Ciidanka dowlada oo soo bandhigay Sarkaal la sheegay inuu ka soo goostay Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka howlgala degaanada Jubbaland ayaa soo bandhigay sarkaal sare oo ka soo baxsaday Al-Shabaab sida ay sheegeen.

Saraakiisha Qeybta 43aad ee xoogga dalka ayaa sheegay in Sarkaal ka soo goostay Al-shabaab uu isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan agagaarka degmada Jamaame.

Xuseen Xasan Ambeerwa oo ah sarkaalka soo goostay ayaa Al-Shabaab ka tirsanaa muddo dheer, isagoo sheegay in Al-Shabaab dhexdooda uu ka jiro Khilaaf xooggan uuna go’aansaday inuu kooxdaas isaga soo tago ka dib markii uu dareemay ineysan heysan dariiq diineed oo sax ah sida uu yiri.

“Xuseen Xasan Ambeerwa oo ka tirsanaa Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa iskusoo dhiibay ciidanka xooga dalka qeybta 43aad ee ka howlgala nawaaxiga Jamaame” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Ciidanka Xoogga dalka ee gobolada Jubooyinka.

Kama hadlin Al-shabaab sarkaalkan la sheegay inuu soo goostay, loogamana baran kooxda iney ka hadlaan arrimaha noocan ah, waxaana horey u jiray saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsanaa kooxdaas oo la sheegay iney u soo galeen dowlada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -