Safiir Xiisad siyaasadeed ka dhax abuuray Doland Trump iyo Theresa May

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ka carooday aragtida safiirka dalka Brritain u fadhiya Mareykanka uu ka qabo maamulka Aqalka cad uu hogaamiyo.

Safiirka dalka Britian u fadhiya Mareykanka Sir Kim Darroch ayaa la sheegay in maamulka Madaxweyne Trump ku tilmaamay mid qalalaase ka samaysan, islamarkaasna ay wax badan ka qaldanyihiin.

Danjire Kim Darroch ayaa fariimo Email ku sheegay sanad kadib markii Trump la doortay in Aqalka Cad uusan mardambe noqon doonin meel si hufan shaqada loogu guto, isaga oo muujiyay sawir ah qalalaase iyo jiho wareer joogto ah oo halkaas ka jira.

Madaxweynaha dalka Mareykanka oo ka xanaaqay hadalkan kasoo yeeray safiirka dalka Britain ,ayaa sheegay in uusan la shaqayn doonin Danjire Sir Kim Darroch, waxaana hadalkan loo arkaa mid Trump uu dalkiisa uga eryayo safiirka.

Donald Trump ayaa sidoo kale weerar dadban ku qaaday Ra’isul Wasaaraha xilka ka dageysa ee Britain Theresa May, waxa uuna sheegay  in ay si xun u maamushay barnaamijka ka bixitaanka Yurub ee Britain, islamarkaasna ay diiday tallooyin uu siiyay.

Dhinaca kale Theresa May ayaa safiirka u fadhiya Mareykanka  ku tilmaamtay nin daacad ah oo runta ka sheega waxa uu arko ama dareemo, waxaana war xafiiskeeda laga soo saaray lagu sheegay in kalsooni badan safiirka ku qabto.

Hadalka safiirka Britain u fadiya Mareykanka oo laga dhax helay emailo qarsoodi ah ayaa hada xiisad ka dhax abuuray hogaanka labada dal, waxaana dowlada Britain ku adkeesaneyaa in Mareykanka yahay saaxiib wanaagsan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -