Amaro lagu xaqiijinayo amniga magaalada Muqdisho oo lasoo saaray

Waxaa xalay magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay guddiga amniga Gobolka Banaadir, kulankan ayaana ahaa mid looga arinsanayay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Guddiga amniga gobolka Banaadir ayaa ka dooday dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee magaalada Muqdisho ka dhacay sida qaraxii la fashiliyay iyo sidoo kale weerarkii lagu qaaday bar konatrool oo kutaala Seybiyaano.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Eng Cabdiraxmaan Cumar (Yariisow) oo Warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay in kulanka laga soo saaray amaro lagu xaqiijinayo amaanka magaalada Muqdisho.

Yariisow ayaa sheegay in marnaba Magalada Muqdisho aan lagu arki karin askarta ku labisan dareeska Millateriga, waxa uuna mas’uuliyiinta dowladda uu ka dalbaday inay joojiyaan ilaaladooda oo mararka qaar lagu arko gudaha Magalada.

Gudoomniyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale digniin u diray milkiilayaasha gaadiidka iyo bajaajta ka howlgala Muqdisho, waxa uu ugu baaqay in gaadiidkooda diiwaan galiyaan , isagoona cadeeyay dadka iska iibiya gaadiidkooda oo u diiwaan gashan dhibaatadii lagu geestaa ay qaadi doonaan masuuliyada.

Amaradan amaanka lagu xaqiijinayo ay soo saareen guddiga amniga gobolka Banaadir ayaan la ogeyn sida uu u hir gali doono, waxaana amaradan oo kale horey u soo saartay Wasaarada amniga gudaha .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -