Allbanaadir.com
NEWS

Hogaanka Al Shabaab oo Gudoomiye cusub u magacaabay gobolka Banaadir

Warar soo baxaya ay baahinayaan Idaacada magaalada Muqdisho qaarkood ayaa sheegaya in Hogaanka sare ee Al Shabaab Gudoomiye cusub u magacaabeen gobolka Banaadir kadib markii la dilay Gudoomiyihii hore.

Ururka Al Shabaab ayaa gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir u qaabilsan u magacawday  Daahir Macalin Salaad oo horey uga tirsanaa saraakiisha Sirdoonka u qaabilsanaa Al Shabaab.

Gudoomiyihii hore ee Al Shabaab u qaabilsanaa gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen  (Cali Jabal) ayaa la sheegay in duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka lagu dilay sanadkii 2017-dii.

Al Shabaab ayaan hada maamulin degmo katirsan gobolka Banaadir, hasa ahaatee Al Shabaab ayaa la sheegaa in wali awood badan ku leedahay Gudaha Muqdisho ayna lacago canshuuro ah iyo sakaba ka qaado ganacsatada gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiye Cali Jeyte oo Ballanqaad lacageed u sameeyay Dagaalyahanada Al Shabaab ee …

Cabdi Cade

Dowladda oo Shaacisay in la dilay in ka badan 3,000 oo xubnood oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

(Sawirro) Cali Guudlaawe oo dhagax dhigay Mashaariic laga hirgelinayo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---