Wararkii Ugu Dambeeyay Kulamo Xasaasi ah oo caawa ka socda Dhuusomareeb

Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee magaalada Dhuusomareen waxaa caawa ka socda kulamo looga arinsanayo xaalada siyaasadeed ee kusoo kosoo korortay Galmudug gaar ahaan xiisada dagaal ee u dhaxeysa Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Kulanka waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Galmudug, senataro katirsan Aqalka Sare, saraakiil ,wasiiro katirsan maamulka Galmudug iyo masuuliyiin kale.

Sida aan wararka ku heleyno kulankan ayaa diirada lagu saarayaa xaalada soo korortay gaar ahaan qabsashada Ahlu Sunna ee magaalada Guriceel iyo sidii looga hortagi lahaa in Ahlu Sunna soo weerarto Dhuusomareeb.

Kulankan oo ah mid albaabada u xiran yihiin ayaan la ogeyn go,aanada kasoo baxaya, waxaana wararku sheegayaan in ciidamada Galmudug iyo kuwa dowlada guluf colaadeed qaadaan.

Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa galabta si deg deg ah ugu laabtay Dhuusomareeb kadib markii ay soo kordheen xaalad colaadeed.

- Advertisement -