Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Faah faahino kasoo baxaya Qarax dad shacab ah ku dhinteen oo ka dhacay duleedka magaalada …

Qarax miino oo dhaliyay khasaaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay ka dhacay duleedka magaalada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose., waxa uuna qaraxa haleelay gaari ay la socdeen dad shacab ah .

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhinta sadex ruux halka ay ku dhaawacmeen sadex qof oo kale, dhamaan dadka qaraxa ay waxyeeladu kasoo gaartay ayaa la sheegay in ay shacab ahaayeen.

Dadka dhaawacyada soo gaareen oo qaarkood halis yihiin ayaa la dhigay isbitaalka Dhoobley , waxaana dhaqaatiirta isbitaalkaasi wadaan dadaalo dadkaasi lagu bad baadinayo.

Qaraxyada miino ee lagu aaso hareeraha wadooyinka ayaa xiliyada qaar waxyeelo xoogan waxa ay kasoo gaartaa dadka shacabka ah ee ku safra wadooyinka lagu aaso qaraxyada miino.

 

Related posts

(Sawirro) Dil naxdin leh oo ka dhacay dalka Jarmalka & Wiil 17 jir Soomaali ah oo..

Caydiid Ali

Madaxda ka qeyb galaysa shirka amniga oo afur soo dhoweyn ah loogu sameeyey Baydhabo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

DEG DEG: Qarax labaad oo ka dhacay aaga hotelka SYL iyo Wararkii u dambeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---