Madaxda ka qeyb galaysa shirka amniga oo afur soo dhoweyn ah loogu sameeyey Baydhabo (Daawo Sawirro)

Madaxda dowlada Somalia iyo kuwa dowlad Goboleedyada dalka ayaa caawa ka qaybgalay afur soo dhawayn ah oo loogu sameeyay xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo.

Waxaa afurka soo dhoweynta ah u sameeyey madaxdan hogaamiyaha martida loo yahay ee dowlad goboleedka koonfur galbeed Somalia Shariif Xasan Shiikh Aadan, waxaana ka dhex muuqday afurka Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo hogaamiyeyaal kale.

Madaxdan ayaa ka qayb galaya Shirka Amniga Qaranka oo maalinta barri ah ka furmi doona magaalada Baydhabo ee xarunta Dowlad goboleedka Koonfur-Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxdan ayaa caawa kulamo gaar ah ku leh Baydhabo iyagoo iska wareysanaya xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo shirka beri ka furmaya halkaas.

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo xoojiyey caawa iyadoo ciidamo fara badan oo isugu jira AMISOM iyo kuwa dowlada la dhigay agagaarka madaxtooyada iyo jidadka magaalada Baydhabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -