Walaac lasoo daristay qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka G/Banaadir iyo Sababta keentay

Qaar kamid ah Gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa lasoo darsay walaac xoogan oo ku aadan in xilka laga qaado, kadib markii uu bilowday qorshe la doonayo in meesha looga saaro Gudoomiyaal badan.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa labo maalin kahor xilka ka qaaday Gudoomiyaasha Degmooyinka Yaqshiid iyo Xamar Jajab, Gudoomiyaashan ayaa lagu wargaliyay in xilka laga qaaday iyada oon loo sheegin wax sabab ah.

Xil ka qaadista Gudoomiyaasha degmooyinka Gobolka iyo magacaabista kuwa cusub ayaa la sheegay in ay wadato Madaxtooyada Soomaaliya oo xili dambe go’aan ku gaarta in xilka laga qaado Gudoomiye Degmo aan dambi galin ama shaqo xumo lagu soo eedeyn.

Gudoomiyaasha hada xilalka Degmooyinka haya qaarkood ayaa ka walaacsan sii gudashada waajibaadkooda shaqo, waxa ayna ka cabsi qabaan in si lama filaan ah xilalka looga qaado iyaga oon ka war heyn.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay in ay sii diyaarisay xubno ay la rabto in Gudoomiyaal looga dhigo degmooyinka gobolka Banaadir, xubnahan ayaana u badan wakiilada Madaxtooyada ee Degmooyinka u jooga.

Labo kamid ah Wakiilada Degmooyinka u joogay Madaxtooyada ee loo yaqaan xoogaga Wadaniyiinta ayaa horey loogu magacaabay in ay noqdaan Gudoomiyaal degmo , waxaana lasoo wadaa kuwo kale oo loo diyaarinayo sidii ay u noqon lahaayeen Gudoomiyaal degmo.

Qorshaha xil ka qaadista iyo magacaabista Gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa la sheegay in Gudoomiyaha gobolka Banaadir aysan maskaxdiisa kasoo maaxan balse inta badan loo yeeriyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -