Ururka dhaqaatiirta Qaliinka Soomaaliyeed oo Muqdisho looga dhawaaqay (Sawirro)

Urur ay ku mideysan yihiin dhaqaatiirta qaabilsan Qaliinka ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho caasimada Somalia.

Munaasabad ay ka soo qeyb galeen dhaqaatiirta Qaliinka qaarkood iyo masuuliyiinta ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa ka dhacday Muqdisho waxaana kulankaas lagu doortay hogaan KMG ah oo uu yeelan doono ururkan labada sano ee soo socota.

Dr. Cawaale C/llaahi oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay munaasabadaas isagoo sheegay in ururkan uu yahay mid hoos taga ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed, aasaaskiisana ay sabab u tahay baahi loo qabo.

“Ururka dhaqaatiirta Qaliinka maaha urur cusub, caalamka oo dhan waa ka jiraa, waxaana loogu talo galay ka sokow dhaqaatiirta guud inuu si gaar ah uga shaqeeyo danaha dhaqaatiirta qaliinka sameysa” ayuu yiri Dr. Cawaale oo sheegay in ururka uu yeelan doono barnaamij iyo dastuur u gaar ah oo lagu maamuli doono.

Waxaa kulankaas fikrado la xiriira sida ururkan lagu horumarin karo ka dhiibtay qaar ka mid ah dhaqaatiirtii ka qeyb galay, kuwaasoo ugu dambeyn isku raacay in maadaama dhaqaatiir badan oo qaliinka qaabilsan ay ka maqan yihiin loo sameeyo ururka hogaan KMG ah oo ka shaqeynaya taabagelinta ururkan, kaasoo howsha wadi doona labada sano ee soo socota.

Xubnaha dhaqaatiirta ah ee kulankaas ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa:

1.Dr Mohamed Yusuf

2.Dr Ismael

2.Dr Awale Abdullahi

3.Dr Ahmed Bashi

3 Dr Abdihakim

4.Dr Mohamed Arabey

5 Dr Mohamed Burtuqaal

6.Dr Abdiwahab Alasow

7.Dr Libnan

8.Dr Osman Benta

9.Dr. Saciid C/qaadir

iyo kuwa kale

Gudoomiyaha KMG ah ee Ururka dhaqaatiirta qaliinka Soomaaliyeed ayaa waxaa kulankaas loogu doortay Dr. Maxamed Yuusuf oo horey u ahaa Guddoomiyaha Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed (SMA), kaasoo magacaabay guddi shan xubnood ka kooban oo la shaqeyn doona mudada KMG ah, kuwaasoo kala ah.

1.Dr. Awale Abdullahi

2.Dr. Ismael

3 Dr. Ahmed Bashi

4.Dr. Abdiwahab Alasow

5.Dr Mohamed Burtuqaal

Gudoomiyaha KMG ah ee Ururka dhaqaatiirta qaliinka Soomaaliyeed Dr. Maxamed Yuusuf oo gebagebadii kulankaas ka hadlay ayaa soo dhoweeyey talaabadan lagu aasaasay ururkan, isagoo xusay in iyadoo laga wada tirsan yahay ururka dhaqaatiirta heer Qaran haddana loo baahan yahay in dhaqaatiir walba oo isku xirfad ah ay yeeshaan urur u gooni ah oo danahooda ka shaqeeya, isagoo hambalyo u diray xunbnihii ka soo shaqeeyey kulankan.

Wuxuu intaas ku daray in mudada labada sano ah ee uu xilka hayo uu ka shaqeyn doono isku keenida iyo qancinta xubnaha maqan, isla markaana ay diyaarin doonaan xeerka iyo barnaamijka uu ku howgeli doono, lana qaban doono labo sano gudahood shirweyne lagu dooran doono hogaanka rasmiga ah ee ururka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -