Allbanaadir.com
NEWS

Dil saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Askari la sheegay in uu katirsan yahay ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa saakay magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Iskoolka Dhagax Tuur ee ku dhaw Igooska Dabka ku dilay Wiil bajaajle ahaa.

Sida aan wararka ku helnay askariga dilka geestay oo la sheegay in uu bajaaj kale saarnaa rasaas ku furay wiilka bajaajlaha ah, waxaana wiilkan u dhintay dhaawac halis ah oo kasoo gaaray rasaasta halka sidoo kale rasaastaasi ku dhaawacmay qof kale oo shacab ah.

Askariga dilka geestay ayaa goobta isaga baxsaday, ciidamo katirsan booliiska ayaa soo gaaray goobta lagu rasaaseeyay wiilka Bajaajlaha ah ee dhintay, waxa ayna saraakiisha booliiska sheegeen in gacan ku dhiiglaha lasoo qaban doono.

Ciidamada dowlada ayaa wali magaalada Muqdisho kawada dilalka ay u geesanayaan dhalinyarada bajaajta ku shaqeysata, waxaana Muqdisho bilihii lasoo dhaafay ka dhacay dilal badan oo ay ciidamada amaanka u geesteen dhalinyaro ku shaqeesata bajaajta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Trumo oo ka laabtay Xeer caro badan ka abuuray Gudaha Mareykanka iyo Caalamka

Cabdi Cade

Magaalada Cerro de Pasco oo laga guurayo iyo sababta ka dambeysa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Somaliland oo ka carootay si adagna uga hortimid hadal Masar kasoo yeeray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---