Allbanaadir.com
NEWS

Ku-simaha Madaxweynaha oo kulan la qaatay James Swam iyo xubno la socday (Sawirro)

Ku-simaha Madaweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabaka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Amb. James Swan iyo Madaxa UNDP ee Soomaaliya Mudane Jocelyn Mason.

Kulanka inta uu socday ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan arrimaha abaaraha iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay abaartu wax-yeeleysay, sidoo kale mas’uuliyiinta ayaa adkeeyey sidii loo dardar gelin lahaa taageerada Q.M ee Baarlamaanka JFS.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyn waxaa uu boggaadiyey dadaalada ay dalka kawadaan wakiiladda beesha caalamka waxaana uu ahmiyad gaar ah siiyey dagaalka ka dhanka kooxda argagxisada ah ee Al-Shabaab iyo sidii loo garab istaagi lahaa Ciidanka Xooga Dalka iyo dadka deegaanka ee dagaalka kula jira argagaxisada.

Related posts

(Sawirro) RW Xamze oo ka hadlay kacdoonka Al-shabaab kaga furan gobolada dhexe

Caydiid Ali

Daawo Video:-Warbixin ka hadleysa diyaar garowga Ciidda ee Suuqyada Muqdisho

admin

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay wax-kabadalka Dastuurka xilli Dagaal uu socdo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---