Nin arin Cajiib ah uu sameeyay ku helay gabar uu Jeclaa oo diiday (Daawo Sawirada)

Inaad cunnada ka soonto si aad ugu guuleysato niyadda gacalisadaada ma ahan dowga ugu wax ku oolsan, balse hadda waxay taasi u shaqeysay hal nin oo ku nool dalka Hindiya kaas oo cunnada uga soomay afaafka hore ee aqalka saaxiibtiis ay ku nooshahay – isaga oo waliba sita boorar ay ku qoran yihiin ereyo raali-gelin iyo cafis-doon ah.

Hadafkiisu wuxuu ahaa inuu sidaas kusii joogo ilaa ay kaga soo baxdo si ay ugu sheegto inay diyaar u tahay inay is guursadaan.

Ananta Burman, oo ah da’yar ku nool gobalka West Bengal, dalka Hindiya, wuxuu xiriir jaceyl wadaag ah la lahaa saaxiibtiisa muddo siddeed sannadood ah, hayeeshe dhawaan saaxiibtiis Lipika ayaa goysay dhammaanba xiriirradii ay la laheyd – iyada oo aan ka qaban wicitaankiisa, kana xayirtay farriimihiisa whatsuppka iyo baraha bulshada.

Ananta wuxuu garowsaday inay wax qaldan yihiin. Sidaas darteed wuxuu baaritaan dheer kaddib ku ogaaday in xaalad kale oo qoyska dhexdiisa ah ay ku jirto Lipika oo lagu wado in lagu mehriyo inan kale oo lala doonayo.

Garwaaqsashada in waqti yar ay kaga harsan tahay inuu jaceylkiisa ku waayo abid, wiilkan da’yarka ah ayaa go’aansaday inuu qaado tallaab xagjir ah si uu dib ugu hantiyo.

Waana kolkii ay ku dhalatay fikradda cunna-ka-soomidda inuu ka hor sameeyo afaafka hore ee gurigeeda.

Warka sheekadiisa ayaa durba ku baahay indhaha dadka degaanka iyo baraha bulshada taas oo soo jiidatay dareenka shacab-weynaha. Boorarka uu sitay waxaa ku qornaa ‘Dib iigu soo celi jaceylkaygii 8 sanno.’

Mar ayaa la isku dayay in goobta looga wado si qasab ah, balse wuxuu si naf-hurnimo leh kaga diiday doonistooda.

Si kastaba, markii ay xaaladdiisa caafimaad ee ka dhalatay cunna-ka-soomidda ay sii xumaatay, waxaa loola cararay isbitaalka, hayeeshe marnaba ma qaadan wax cunno ah ilaa ugu danbeyntii ay xaaladdiisa soo fara-geliyeen dadweynaha kuwaas oo reerka gabadha uu jecelyahay ugu yeeray inay si shuruud la’aan ah ugu guuriyaan inanta.

Ugu danbeyntii, Ananta ayaa hantiyay Jaceylkiisa. Wuxuuna ugu danbeyntii la aqal-galay gabadhii uu jeclaa muddada dheer.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -