Wariye loo magacaabay in uu noqdo Gudoomiye Degmo katiran Gobolka Banaadir

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdiso Eng Candiramaan Yariisow ayaa shalay xilka ka qaaday labo Gudoomiye degmo, isagoona magacaabay Gudoomiyaal kale oo bedelaya kuwa xilka laga qaaday.

Yariisow ayaa u magacaabay Gudoomiyaha degmada Xamar Jajab Guhaad Sheekh Xasan oo  kamid ahaa Wariyaasha ka shaqeeya Idaacada Afka gobolka Banaadir ku hadasha, waxa uuna Idaacadaasi ka ahaa Tifatire.

Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee degmada Xamar Jajab Ismaaciil Muktaar Cumar (Oranje) ayaa isna horey u ahaa Wariye ka shaqeeya Warbaahinta dowlada gaar ahaan Telefishinka Qaranka SNTV iyo Radio Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa bilaabay in uu isbedel ku sameeyo qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka gobolka Banaadir, waxa uuna shalay xilka ka qaaday labo Gudoomiye Degmo iyadoona la filayo in kuwa kalana xil ka qaadis lagu sameeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -