Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Somalia oo xilka la wareegay (Sawirro)

Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa maanta xilka kala wareegay Taliyihii hore ee booliska Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar

Xilwareejinta ayaa ka dhacday xarunta dugsiga tababarka Booliska Jen. Kaahiye (Iskoolo Buluusiyo) oo ku taalla degmada Xamar jajab, waxaana ka qeyb galay saraakiisha qeybaha booliska.

Taliyihii hore ee ciidamada Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa ka waramay waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu xilka hayey

Xijaar ayaa sheegay in Taliska uu ciidamo Boolis ah geeyey deegaano iyo degmooyin  ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe oo dhawaan Al-shabaab laga qabsaday.

Waxaa uu xusay in ciidanka Booliska ah laga geeyay Aadan-yabaal, Cadale, Masaajid Cali Guduud, Ruunir-good iyo Cadow Uul, isagoona tilmaamay in ciidamada halkaas loo diray ay yihiin kuwo loogu tala-galay inay sugaan amniga.

Wuxuu intaas kusii daray in waxyaabo badan Taliska ciidanka Booliska u qabsoomeen inta uu haayay xilka.

Taliyaha cusub ee Booliska Jen. Sulub Axmed Firin ayaa isna balan-qaaday inuu ka shaqeyn doono wax ka qabashada baahiyaha ka jira gudaha hey’ada booliska, si awood badan uu u yeesho booliska Soomaaliyeed.

Waxaa ka qeyb galay munaasabadaas masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Maxkamada Sare, Ra’isulwasaare Ku Xigeenka JFS, xubno Ka mid ah labada Gole ee Baarlamaanka, Xubno Ka socday Golaha Wasiirada, Xeer ilaaliye Ku xigeenka JFS, Agaasimaha Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Hay’daha Saaxiibada la ah Ciidanka Boliiska Soonaaliyeed (EUCAP, ATMIS, UNSOM & UNDP). Taliyeyaashii Hore ee Ciidamada Qalabka Sida, Taliye Xigeenada Ciidanka Boliiska, Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka iyo Guddoonka Gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -