Axmed Madoobe oo maanta si aan caadi aheyn loo soo dhaweeyay (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa maanta si aan caadi aheyn loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo uu dib ugu laabtay.

Dad u badnaa kuwa lasoo abaabulay ayaa Madaxweyne Axmed Madoobe si heer sare ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo iyo sidoo kale wadooyinka magaalada uu dhax marayay.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in safarkii uu ku tagay Kenya uu ahaa mid shaqo uu halkaas uu kula kulmay Xubnaha beesha Caalamka ee tageera Soomaaliya isla markana uu kala hadlay sidii tageerada ay siiyaan Soomaaliya iyo maamulkiisa ay usii labo jibaari lahayeen.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay Axmed Madoobe arimaha doorashooyinka Jubbaland isagoo sheegay in loo baahan yahay si wadajir ah loogu dadaalo sidii nabadgalyo iyo daganaan ay ugu dhamaan lahayeen howlaha la xiriira doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha

Madaxweynaha Jubbaland ayaa mar kale olole ugu jira in uu ku guuleesto doorashada la filayo in dhawaan ka dhacdo magaalada Kismaayo, waxa uuna tartan adag kala kulmayaa siyaasiyiin caan ah oo iyana u sharaxan Hogaanka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -