Labo kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo xilka laga qaaday

Warar lagu kalsoonaan karo oo goordhaw kusoo dhacay Warqabadka Allbanaadir Online ayaa sheegaya in Gudoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdiso Mudane Cabdiraxmaan Cismaan Cumar (Injineer Yariisow) uu xilka ka qaaday labo kamid ah Gudoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Eng Yariisow ayaa wareegto uu soo saaray xilka uga qaaday Gudoomiyaha degmada Yaqshiid Cabdiweli Cabdullaahi Maxamed iyo sidoo kale Gudoomiyaha Degmada Xamar Jajab Ismaaciil Mukhtaar Cumar (Oranjo).

Wali lama oga sababta xilka looga qaaday labadan Gudoomiye , waxaana warar soo baxaya sheegayaan in ay jiraan is fahmi waa iyo sidoo kale dacwado laga soo gudbiyay Gudoomiyaashan xilka laga qaaday,

Gudoomiyaha degmada Xamar Jajab Ismaaciil Oronjo oo ahaa Wariye katirsanaa Wrabaahinta Dowlada ayaa dhowr bil kaliya xilka Gudoomiyaha hayay , halka Gudoomiyaha Yaqshiid uu xilka hayay labo sano ka badan maadaama uu horay u soo maray Degmada Xamar Jajab.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

 

- Advertisement -