Xog ku aadan tirada Xubnaha Ahlu Sunna looga ogolaaday Baarlamaanka Galmudug

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Dowlada federaalka Soomaaliya iyo Ahlu Sunna ay gaareen heshiisyo hoose oo ku aadan dhismaha maamul loo dhan yahay oo ay yeelato Galmudug.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa oo wadahadalo waqti badan qaatay maalmahan ku lahaa Dhuuso Mareeb ayaa la sheegay in ay isku afgarteen qodobo dhowr ah oo horey culeesyo uga jireen.

Qodobada labada dhinac ku heshiiyeen ayaa waxaa kamid ah in Ahlu Sunna qoondo muuqata ku yeelato maamulka cusub ee Galmudug loo dhisayo gaar ahaan Baarlamaanka , Xukuumada iyo ciidamada.

Ahlu Sunna ayaa dalbatay in Baarlamaanka Galmudug yeelanayo oo la filayo in uu noqdo 89-Xildhibaan ku yeelato kala bar , hasa ahaatee waxaa markii dambe lagu qanciyay in ay qaadato 30-ilaa 35 Xildhibaan oo dhinaceeda ka imaanaya.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in Ahlu Sunna loo ogolaaday in talo iyo tusaalo ku yeelato doorashooyinka ka dhacaya magaalada Dhuuso Mareeb ee lagu soo dooranayo Baarlamaanka iyo Hogaanka Galmudug.

Ahlu Sunna ayaa dhankeeda ogolaatay shuruudihii dowlada ku xirtay ay kamid ahaayeen in ay ciidankeeda wareejiso, in amaanka magaalada Dhuuso Mareeb la wareegaan ciidamada dowlada federaalka iyo qodobo kale oo laga dalbaday.

War Murtiyeed aan lagu wada qeexeyn heshiiska dowlada Federaalka iyo Ahlu Sunna ayaa laga yaabaa in laga soo saaro wadahadaladii ay yeesheen Wafdiga Ra’isul Wasaare Kheyre iyo hogaanka kooxda Ahlu Sunna.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -