Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Xassan & wafdi uu horkacayo oo lagu soo dhoweyey Jeddah (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka Dalka Sucuudiga Mudane Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Jidda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Boqor Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.

Soomaaliya iyo Sucuudiga waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, iyada oo ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xasuusan yihiin garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda Boqortooyada, xilliyaddii adkaa.

Related posts

Mareykanka oo eedeyn culus u jeediyay Itoobiya oo ku kacday Tacadiyo caddeyn wadata

Cabdi Cade

Maxay ahaayeen ragga hubeysan ee Boliska Muqdisho ay gacanta ku dhigeen? (Sawirro)

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo hambalyo u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland

Caydiid Ali