Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo ka farxisay shacabka deegaanada Sabiid iyo Caanoole (Sawirro)

Wafdi  isugu jiray wasiirro iyo xildhbaano oo uu hogaaaminayey Guddoomiyaha gobalka Sh/hoose Ibraahin Aadan Cali Najax ayaa gaaray  degaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolkaasi, iyagoo u kuurgalay xaaladaha bulshada degaankaasi.

Ibraahim Aadan  ayaa sheegey in safarkiisa ay qeyb ka ahaayeen Wasiir ku-xigeenka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Isaq Abow, wasiirka Amniga gudaha KGS Mudane Isaq Ali Subug iyo Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

“Waxaan gaarnay deegaanka Sabiid iyo Caanoole si aan xariga ugu jarno mashaariic la soo gaba gabeeyay kuwaasoo ay ka mid yihiin dib u dhis lagu sameeyay 70 guri oo shacab danyar ah ay leeyihiin iyo masaajid kaasoo ay burburiyeen Maleeshiyada argagixisada ee Al-shabaaab” ayuu yiri Gudoomiye Najax.

Guddoomiye Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa  Sidoo kale Sheegey in degaanka Sabiid ay ka hirgeliyeeen nalalka cadceeda ku shaqeeya taasoo wax badan kusoo siyaadisay ganacsiga, bilicda, Amniga magaalada gaar ahaan xiliyada habeenkii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo maalmo kadib ku laabtay Kismaayo laguna soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Burundi oo shaacisay tirada askarta looga laayey Weerarkii ka dhacay duleedka Balcad

Caydiid Ali

Deni iyo Axmed Madoobe oo lagu qal qaalinayo ka qeyb galka Shirka Wadatashiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---