Axmed Madoobe oo maalmo kadib ku laabtay Kismaayo laguna soo dhaweeyay (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubaland kadib safar shaqo oo maalmahii lasoo dhaafay uu ku joogay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.
 
Madaxweynaha ayaa Muqdisho kaga qeybgalay shirka madasha wadatashiga qaran ee arimaha Doorashooyinka kaas oo lagu gaaray go’aamo wax ku ool ah oo lagu dardar galinayo howlaha Doorashooyinka.
Axmed Madoobe ayaa intii uu joogay magaalada Muqdisho sidoo kale kulamo la qaatay siyaasiyiinta Mucaaradka ay ku jiraan Midowga Musharaxiinta iyo sidoo kale wakiilo katirsan beesha Caalamka.
Muqdisho waxaa wali ku sugan madaxda kale ee dowlad goboleedyada kuwaa oo iyana la filayo in ay dib ugu laabtaan magaalooyinka ay ka yimaadeen si ay u dar dar galiyaan doorashada la filayo in dhawaan la qabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -