Muhaajiriin xalay lagu xasuuqay Magaalada Tripoli & Wararkii ugu dambeeyey (Sawirro)

Ugu yaraan 40 qof oo muhaajiriin ah kana soo jeeda qaar ka mida dalalka Africa ayaa lagu soo warramayaa inay dhinteen ku dhawaad 80 kalana ku dhaawacmeen, kaddib markii xalay madaafiic lagu garaacay xero ay ku jireen oo ku taalla dueedka magaalada Tripoli ee dalka Libya.

Sarkaal ka tirsan wasaarada arrimaha gudaha Libya ayaa sheegay in tirada dhimashada dadka lagu laayay xerada degmada Tajoura ee bannaanka caasimadda Libya ay intaasi ka badnaan karto.

Wuxuu intaasi raaciyay in hadda ay shaqaalaha gargaarka dag dagga ah ay wali daad gureynayaan meydadka iyo dadka dhaawaca ah.

Bayaan kasoo baxay Dowladda ay beesha caalamka aqoonsantahay ee Libya ayaa lagu cambaareeyay weerarka. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarka ay ka danbeeyaan ciidamada Jen. Khalifar Haftar.

Muhaajiriintan oo damacoodu ahaa iney gaaraan qaarada Yurub nolol cusubna ka bilaabaan ayaa riyadooda ku soo afjarantay in la xasuuqo.

Wali ma soo bixin faah-faahin ku saabsan dalalka ay u kala dhasheen muhaajiriinti xalay lagu dilay dalka Libya.

Ma jirto ilaa iyo iminka cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday xarunta lagu hayay dadka muhaajiriinta ah ee Libya, waxaana weerarkan uu muujinayaa baaxada dhibaatada ka dhalatay dagaalada ka socda magaalada Tripoli.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -