Allbanaadir.com
GALMUDUGMUQDISHONEWS

Shiikh Shaakir oo shaaciyey in ciidamada DF ay ka howlgelayaan Dhuusamareeb

Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa shaaciyey inay diyaar u yihiin inay hay’adaha kala duwan ee dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug ka howlgalaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Sheekh Shaakir ayaa hadalkan ka sheegay goor dhoweyd Munaasabad xuska maalinta xoriyadda ee 1-da Luulyo oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa uu sheegay in dhinacooda diyaar u yihiin si magaalada Dhuusamareeb ay noqoto meel loo wada siman yahay ay ka howlgalaan Hay’adaha nabadgelyada dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug, wuxuuna caddeeyay inay magaalada amnigeeda ku wareejinayaan dowladda federaalka iyo Galmudug.

Hadalka Shiikh Shaakir ayaa ku soo beegmay xili maamulka Galmudug iyo dowlada federaalka ay maalmo ka hor isku raaceen in la qabto bishan gudaheeda doorashada Galmudug, loona dhiso maamul mideysan, iyadoo dhinaca kale la soo afjaray khilaafkii mudada sanadka ah jiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

DF oo walaac ka muujisay Mid ka mid ah bukaanada cusub ee laga helay COVID-19

Caydiid Ali

Daahir Geelle: “Arrin aan labo sano ka hor ka diiday Farmaajo ayuu Wasiir Dubbe aqbalay”

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo beesha caalamka ka dalbaday arrin xad gudub ku ah DF

Caydiid Ali