(Daawo Sawirro) Sidee caawa Xuska 1-da Luulyo looga dabaaldegay Dhuusamareeb?

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug uga qayb galay munaasabadda xuska sannad guurada 59-aad ee xornimada goballada Koofureed ee dalka iyo midoobidda goballada waqooyi iyo koofur.

Mudane Xasan Cali Khayre oo ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda xuska maalintaan ku wayn quluubta ummadda Soomaaliyeed, ayaa xasuusiyay dadka Soomaaliyeed in xornimada aan maanta ku naallooneyso ay mawaadiniin Soomaaliyeed halgan dheer iyo adkaysi soo geliyeen oo dhiggooda ku bixiyeen.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku celiyay in 1-da July ay tahay maalin ku wayn ummadda Soomaaliyeed ayna dhaqan gashay midnimada Soomaaliya ayaa ku baaqay in ay gacmaha is la is qabsaso, la adkeeyo midnimada iyo wadajirka soo billaawday 59 sano kahor, maadaama midnimadu ay awood tahay kala tagguna uu keeno tabar darro iyo jilicsanaan bulsho.

Munaasabadda lagu xasuusanahay halgankii loo soo maray xornimada laguna wayneynayay halgamayaashii dhaliyay xornimada ayaa waxaa ka qayb galay madaxa fulinta Galmudug, wasiirro iyo xildhibaanno, mas’uuliyiin kale iyo dadwayne aad u badan.

July 01, 1960, goballada koonfureed ee dalka ayaa xornimada ka qaatay Talyaaniga waxaana isla maalintaas midoobay goballada Koonfureed iyo goballada Waqooyi oo iyana 26 June 1960-kii ka xuroobay Ingiriiska.

  

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -