Ciidamo diidan muddo kororsiga Laftagareen oo Baydhabo looga dhawaaqay

Ciidanka Badbaadada Koonfur Galbeed ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Baydhabo kuwaasoo siyaasad ahaan diidan muddo kororsiga Madaxweyne Laftagareen oo muddo xileedkiisa sharciga ah uu ku ekaa maanta oo taariikhudu aheyd 19ka Disembar.

Ciidankan ayaa looga dhawaaqay kadib kulan ka dhacay magaaalada Baydhabo oo looga hadlayey xaaladda Koonfur Galbeed iyo doorashada waxaana ka hadlay saraakiil iyo siyaasiyiin kasoo horjeeda Maamulka Laftagareen oo isbeddel doon ah

Saraakiisha ciidamada ee goobta ka hadlay ayaa sheegay inay talaabadan ku kaliftay badbaadinta Koonfur Galbeed, ayna ka hortagayaan muddo kororsiga Laftagareen uu damacsan yahay inuu ku hogaamiyo maamulka KG.

“Doorasho haa muddo kororsi maya,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidanka la magac baxay Badbaadada Koonfur Galbeed oo la mid ah ciidankii badbaado Qaran ee Farmaajo ku qasbay inuu ka laabto muddo kororsiga.

Cadaadiska ka imanaya beelaha iyo siyaasiyiinta Koonfur galbeed ayaa ku sii kordhaya Madaxweyne Laftagareen oo Dhinaca caawa baydhabo ku qabsaday xaflad uu ugu dabaaldegayo sanadguuradii afaraad ee muddo xileedkiisa.

- Advertisement -