Munaasabada Xuska 1-da Luulyo oo caawa ka socota xarunta Madaxtooyada Somalia (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qaybgelaya munaasabad haatan ka socota Madaxtooyada Qaranka oo lagu xusayo Maalinta Xorriyadda Gobollada Koonfureed iyo Israacii Koonfur iyo Waqooyi.

Waxaa sidoo kale ka qeyb galaya Munaasabadan gudoomiyaha baarlamanka Somalia. xubnaha golaha Wasiirada iyo xildhibaanada labada aqal qaarkood, saraakiisha ciidamada, iyo qeybaha bulshada gobolka Banaadir.

Kooxda fanaaniinta Qaranka ee hobolada Waaberi iyo horseed iyo kooxaha hidaha iyo dhaqanka ayaa halkaas ku soo bandhigaya heeso wadani ah iyo ciyaaraha hidaha.

Munaasabada 1-da Luulyo ayaa ah mid sanad walba si weyn looga xuso magalooyinka ku yaala dalka gudihiisa iyo dibadiisa xaflado kala duwana loo sameeyo, waxaana caawa aad loo xoojiyey amaanka magaalada Muqdisho.

Xaflada oo la filayo in laga jeediyo khudbado badan oo ku saabsan munaasabadan ayaa waxaa ugu dambeyn marka saacada Afrikada bari ay soo gaarto 12:00-ka saqda dhexe la saari doonaan calanka buluuuga ah ee jamhuuriyada Soomaaliya dhexdana ku leh xiddigta cadaanka ah ee shanta geesood leh.

Wadooyinka magaalada Muqdisho qaakood ayaa waxaa lagu xiray nalal qurux badan oo midabo kala duwan leh iyadoo meelo badana la suray calanka Soomaaliya waxaana nalalkaas habeenadii la soo dhaafay laga dareemay magaalada Muqdisho.

Warbaahinta magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwa ku hadla codka dowlada ayaa bilaabay baahinta barnaamijyo iyo Heeso ku saabsan xuska munaasabada 1d-a Luulyo iyo qiimaha ay ugu fadhido shacabka Soomaaliyed, iyagoo ka waramaya taariikhdii Halgankii dalka looga xoreeyey gumeystayaashii reer galbeedka sanadkii 1960-kii.

Sidoo kale Munaasabado tan la mid ah ayaa caawa waxay ka socdaan magaalooyinka Dhuusamareeb, Garoowe, Belad-weyne, Kismaayo, Baydhabo iyo meelo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -