Allbanaadir.com
NEWS

Jeneraal Adem Mohammed oo loo magacaabay taliyaha Ciidamada dalka Itoobiya

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa si deg deg ah u magacaabay taliyaha ciidamada difaaca dalkaasi ,kadib markii isbuuc kahor la dilay taliyihii hore ee ciidamadaasi jeneraal Seare Mekonnen.

Abiy Axmed ayaa u magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada Itoobiya Jeneraal Adem Mohammed oo horey u ahaa taliyihii ciidamada nabad sugida Itoobiya , taliyahan cusub ayaana kasoo jeeda qowmiyada Amxaarada.

Waxa uu sidoo kale Ra’isul Wasaare Abiy Axmed taliyaha cusub ee ciidamada nabad sugida Itoobiya u magacaabay Demelash Gebremichael, taliyahan ayaa isna kasoo jeeda qowmiyada Oromada.

Afgembigii fashilmay ee sabtidii hore ka dhacay ismaamulka Amxaarada dalka Itoobiya ayaa lagu dilay Madaxweynihii maamulkaasi, waxa uu sidoo kale afgembigaasi uu galaaftay nolosha taliyihii ciidamada Itoobiya iyo saraakiil kale.

Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha Booliiska Galmudug oo si adag uga hadlay Warkii uu shaaciyay taliye Burhaan

Cabdi Cade

Ciidanka Dowladda oo gubay Gaari ay wateen Al Shabaab iyo Khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo arrin muhiim ah kala hadlay Kristina Svensson (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---