Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo arrin muhiim ah kala hadlay Kristina Svensson (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta qaabilay Maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Kristina Svensson, oo ay ka wada hadleen wadashaqeynta Bangiga Adduunka iyo hey’adaha dowladda Federaalka.

Kristina waxay xog ka siisay Ra’iisul Wasaaraha, howlaha kala duwan ee dhinaca horumarinta ee Bangiga Adduunku ka wado Soomaaliya – gaar ahaan dadaalka iyo gacanta ay ka geysanayaan gurmad abaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay taageerada Bangiga Adduunku siinayay Soomaaliya, isaga oo ku dhiirigeliyay inay si dhaw ula shaqeeyaan hey’adaha dowladda – iyaga oo howshooda ku saleynaya qorshooyinka ahmiyadda u leh xukuumadda.

Bangiga Adduunka ayaa taageero dhaqaale siiya dowladda federaalka Soomaaliya, waxa uu sidoo kale bangiga maalgaliyay mashaariic kala duwan oo laga fuliyay qeybo kamid ah Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Milkiile garoon ku dhax feeray garsoore kaddib markii kooxdiisa Gool laga dhaliyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Orodyahan Afrikan ah oo rikoor cusub u dhigay Orodka adduunka

Cabdi Cade

Gabar 25-sano jir ah oo caloosheeda laga helay in ka badan 100 kaniini oo daroogo ah

Cabdi Cade