Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Puntland iyo QM oo ka wada hadlay khilaafka ka taagan doorashooyinka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay  Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Puntland (UNSOM)  Mr. Guy Griffin.

Kulankaan ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda guud ee Puntland, qabsoomida doorashada Goleyaasha Deegaanka Puntland ee 25 May 2023, xoojinta wada shaqaynta Hay’adaha caalamiga ah iyo Hay’adaha kala duwan ee Dawladda Puntland.

Madaxa Xafiiska UNSOM ee Puntland ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee Dowladda Puntland ka qabatay barnaamijka geeddi-socodka Dimuqraadiyadda Puntland oo meel wanaagsan maraya sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska wasiir Juxa.

Ugu dambayntii Wasiirka ayaa sheegay inay ka go’an tahay Dowladda Puntland qabsoomida doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo horumarinta hanaanka dimuqraadiyada, sidoo kale, waxa uu uga mahadceliyey Xafiiska UNSOM  xoojinta wada shaqaynta wanaagsan ee ay la la yeeihiin Dowladda Puntland.

Related posts

DEG DEG: Qarax gaari oo goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo khasaare ka dhashay

Caydiid Ali

Guddiga doorashooyinka xubnaha Gobolada Waqooyi oo War cusub soo saaray

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Careysan Dalkaan Ma Samatabixin Karaa ?

admin
Taboola Ads ---