Qaar kamid ah Ciidamadii dadka ku laayay magaalada Gaalkacyo oo la qabtay

Wararka aan ka heleyno Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in gacanta lagu soo dhigay qaar kamid ah ciidamadii dhawaan magaaladaasi ku laayay dad shacab ah oo kasoo jeeday maamulada Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle.

Shan kamid ah ciidamada dadka ku laayay magaalada Gaalkacyo ayaa xabsiga la dhigay waxaana wali baxsad ku jira shan askari oo kale oo dilkaasi ku lug lahaa ,halka horey loo xiray askari katirsanaa booliiska Galmudug oo isna ku lug lahaa dilkan.

Qabashada ciidamadan lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dadkii lagu laayay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay in ay ku timid dadaalo ay sameeyeen Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka oo Gaalkacyo jooga.

Xildhibaanada ayaa kala hadlay waxgaradka magaalada Gaalkacyo sidii loo soo qaban lahaa sharcigana loo horgeyn lahaa askartii ka dambeesay dilka dad ka badan 10-qof oo kasoo kala jeeday maamulada Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle.

Ciidamo hubeesan ayaa magaalada Gaalkacyo ku laayay in ka badan 10-nin oo badankood kasoo jeedaan Deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, dilkan ayaana ahaa mid ka dhashay Sargaal ciidan oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -