Allbanaadir.com
NEWS

Wado Laami ah oo laga dhisayo Muqdisho oo maanta la dhagax dhigay (Daawo Sawirada)

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cusmaan Yariisow iyo Wasiirada Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta si wadajir ah u dhagax dhigay wado laami ah oo laga dhisayo Muqdisho.

Wadada dib u dhiska lagu sameenayo lana saarayo laamiga cusub ayaa isku xirta isgoyska Cali Kamiin iyo Ifka Xalane, waxa ayna wadadan  hor martaa tuulada cayaaraha Stadium Mugdisho .

Wadadan maanta la dhagax dhigay ayaa in mudo ah bur bursaneyd , waxaana wadadan ay aheyd mid aan sanado badan la adeegsan sababo la xariira bur burka iyo sidoo kale garoonka Muqdisho Stadium oo sanado badan degnaayeen ciidamada AMISOM.

Qaar badan oo kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa sanadihii lasoo dhaafay dib u dhis lagu sameeyay, waxaana wali jira wadooyin badan oon dib u dhis lagu sameyn ayna dhibaato ku qabaan dadka iyo gaadiidka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

C/raxmaan C/shakuur oo si cad u shaaciyey inuu ALLE uga towbad keenay gefkii uu galay

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxdii hore ee dalka oo Janaaso ku tukaday Marxuum Xasan Abshir (Sawiro)

Cabdi Cade

Hay’adda NIRA oo si cad u beenisay eedeymo loo jeediyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---