Madaxweynihii Maamulka Amxaarada Itoobiya iyo masuuliyiin kale oo la dilay

Dalka Itoobiya gaar ahaan ismaamulka Amxaarada ayaa waxaa ka taagan xaalad kacsanaan ah, waxaana halkaasi lagu dilay Masuuliyiin iyo taliyaal sare oo katirsan ciidamada Itoobiya.

Ciidamo hubeesan ayaa xalay isku dayay in ay afgambi ku sameeyaan maamulka Amxaarada ee Itoobiya, waxaana magaalada Bahir Daar ee caasimada maamulkaasi ka dhacay dagaal saacado socday.

Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa hada ku warameysa in dadka lagu dilay rabshadaha magaalada Bahir Dar  uu ku jiro Madaxweynihii ismaamulka Amxaarada Ambachew Mekonnen.

Waxaa sidoo kale lala dilay Madaxweynaha maamulka Amxaarada Ambachew Mekonnen xubno sare oo katirsanaa maamulkiisa uu ku jiro lataliyihiisa gaarka ah, waxaana laga cabsi qabaa in dhimashada masuuliyiinta inta hada la ogyahay ay kasii bataan.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa horey u xaqiijiyay in ciidamo hubeesan ay gobolka Amxaarada gaar ahaan caasimada ku dileen Taliyihii ciidanka Difaaca Itoobiya iyo saraakiil kale oo sar sare.

Abiy Axmed ayaa la filayaa in saacadaha soo socda Warbaahinta ka hadlo warna kasoo saaro xaalada Gobolka Amxaarada oo xiisad ka taagan tahay laguna dilay Madaxweynihii maamulka iyo taliyihii ciidamada Itoobiya ugu sareeyay.

Warbaahinta Itoobiya ayaa ku warameysa in taliyaha iyo Madaxweynaha maamulka Amxaarada ay dileen xubno ciidamada katirsan oo aad ugu dhawaa, kuwaa oo ku weeraray goob ay shir ku lahaayeen..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -