Wararkii Ugu Dambeeyay Ciidamo taabacsan Xaaf oo loo diiday in ay galaan  Dhuuso Mareeb

Ciidamo aad u hubeesan oo taabacsan Madaxweynaha xaalku ku xun yahay ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa loo diiday in ay gudaha u galaan magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Sida aan wararka ku helnay ciidamadan ku heybta ah Madaxweyne Xaaf ayaa ka baxay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxa ayna ciidamadan sii mareen magaalada Cadaado.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa laga celiyay duleedka magaalada Dhuuso Mareeb, waxaana ciidamadan in ay u gudbaan magaalada u diiday ciidamo ka amar qaata kooxda Ahlu Sunna .

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamadan ujeedka ay u aadeen magaalada Dhuuso Mareeb in ay tahay sidii ay magaaladaasi uga soo wadi lahaayeen Madaxweynaha Galmudug oo go’doon siyaasadeed ku galay Dhuuso Mareeb.

Lama oga ilaa hada in ciidamadan uu dalbaday Madaxweyne Xaaf iyo in kale, waxaana ciidamadan ay joogaan hada deegaan banaanka ka ah Dhuuso Mareeb, iyadoona masuuliyiin iyo odayaal la socday loo ogolaaday in ay galaan magaalada Dhuuso Mareeb.

Magaalada Dhuuso Mareeb waxaa ku sugan Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo, waxa uuna halkaasi kawadaa dadaalo meesha looga saarayo Madaxweyne Xaaf oo waqti kororsi jeebkiisa ah ku dhawaaqay.

Dowlada Soomaaliya ayaa heshiisyo hoose la galeysa kooxda Gaashaanka u aheyd Xaaf ee Ahlu Sunna, waxa ayna dowlada dooneysaa in ay gacanta ku dhigto kooxdaasi si Xaaf meesha looga saaro si fudud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -